8 maalin kadib xagee baan ku soconnaa? | Codka Soomaalida Online
Wednesday, April 16th, 2014
Guurdoon

8 maalin kadib xagee baan ku soconnaa?

Published on August 12, 2012 by   ·   15 Comments


Waa xilli kala guur naloogu sheegay, ma ahan geedigan mid guryaha laga guurayo ee waa mid dowladnimadii KMG ahayd la macsalaameynayo, iyada oo loo sii socdo wax naloogu sheegay dowlad aan kusii meel gaar ahayn.

Waqtigu waa gabaabsi, musharaxiinta doonaysa in ay na hogaamiyaan aad bay u fara badan yihiin, laakiin xaqiiqdu waxa ay tahay sida ay u fara badam yihiin uma wada wanaagsan oo xitaa bulshada soomaalidu way dareemeysaa in qaarkood ay hadalka un ku wanaagsan yihiin oo aaney masiir u madeed ka talin karin.

Dhammaan madaxdeenu waxay doonayaan oo ay isku haystaan hal kursi oo kaliya oo ah Madaxweyne, laakiin 20 bishan August 2012 kursigaasi hal qof oo kaliya ayaa salka dhigan doona, toloow kaasi ma yahay kuwan aan aragnay hogaamintooda mid ka duwan kana wanaagsan, cidina ma oga sababta oo ah waxa imaan kara mustaqbalka cid si gaar ah u sheegi karta ma jirto oo aan ka ahayn Alla SWT.

Qiyaasaha iyo ififaalaha muuqda marka la turxaan bixiyo waxaa kuu soo muuqanaya jawi aan wax badan ka duwanayn sida aan hadda aragno, iyada oo xulista xubnaha shuruudaha lagu qaadanayo la adkeeyey ee barlamaanka Federaalka Soomaaliya ay 45%  noqon doonaan kuwii horey noogu joogay iyaga oo KMG, shakina kuma jiro in  xubnaha sida gaarka ah ugu tagri fala awoodda dalka ee dunidu ay u taqaanno sixiixayaasha heshiiska tubta nabadda ày meesha wada geynayaan cidda ay u arkaan inay masaaliixdooda gaarka ah kaliya ay ku jirto.

Soomaalidu waxay ku maah-maahdaan MARKA CUDURKA FURUQA LA ARKO AYUU MIDKA WARAABOOWGA FARA KA LEEF LEEF NOQDAA, taasi oo micna ahaan laga wado in iyada oo isku mid laga wada yahay hogaaminta qaloocan in hadana lakala roonyahay, tusaalahaasi waxaan uga jeedaa, fara badnaanta xubnaha xilka wada doonaya iyo daacadnimadooda in ay kaaf iyo kala dheeri yihiin.

Bal aan is weydiino yaa noo sharaxan? Yaase astaahila xilligan in uu hogaamiyo soomaaliyada cusub ee 275ta xildhibaan ay jidka u furi doonaan?

Inkasta oo ay tiradu badanayso hadaan ka wada hadalno, aan si kooban u soo qaato xubnaha ugu cadcad ee isku haysta xilkan madaxtinimada soomaaliya.

1: Madaxweynaha xilligan Shariif Shiikh Axmed
2: R.Wasaaraha xilligan Dr Abdi Weli Gaas
3:Diblomaadsi hore Cabdullaahi Axmed Caddoow
4:Prof Cali Maxamed Geeddi
5: Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Dhammaan xubnahan aan kor ku sheegey ayaa u muuqda kuwa ugu badan ee ay dadku hadal hayaan, inkasta oo ay jiraan kuwa kale oo aan ugu yeeri karo boos buuxiyayaasha is xilqaamay ee aan loo ogeyn, laakiin ah dadka ugu orodka badan ee qurbaha xafladaha ku qabta inta badanna soomaalida hadal wanaagsan u muujiya, iyaga oo aadba moodo inayba ku qanceen intaa oo ay raali ka yihiin in loogu yeero un Madaxweynaha Mustaqbalka.

Loolanka runta ah waxa uu ka dhaxeeyaa sadexda xubnood ee kala ah Madaxweyne Shariif, Cabdullaahi Axmed Caddoow, iyo R.wasaare Gaas, inkasta oo uu soo daba socdo R.wasaarihii hore Farmaajo oo xafiiska fadhiyay lix bil in la eg, kuna waayay shaqadiisa markii ay is qabteen afhayeenka Barlamaanka shariif Xassan Shiikh Aadan.

Madaxweynaha xilligan waxa uu dalka kala wareegay hogaamiyihii geeriyooday Cabdullaahi Yuusuf, iyada oo uu dalkana gaarsiiyay heer maanta loo hawoodo in doorasho Madaxweyne ay ka dhacdo magaalada muqdisho in kabadan 40 sana kadib, waxana dad badan ay u arkaan shaqsi horseedey in bulshadii kala tagtay ay isku timaado, loona wada istaago mideynta dalka, waxana aad loo xusuustaa dadaalkii uu u galay dhismaha ciidanka qaranka, iyo in la helo nidaam dowli ah oo ka madax banaan isqabsi iyo in la iska fariisto xarumaha dowladda, waana tan keentey in reer galbeedku ay dareemaan in aan weli soomaaliyada cusub loo heyn shaqsi sii wadi kara xilligan oo aan ka ahayn hogaamiyihii hore ee midowgii maxaakiimta xilliganna ah Madaxweynaha KMG ee dhowrka maalmood ay u harsan tahay.

Tartanka ugu weyn waxa uu la gali doonaa diblomaadsi ruug caddaa ah waa Cabdullaahi Axmed Caddoow, kaasi oo laba jeer oo hore tartan uu u galay xilkan ku guul dareystay, waxyaabaha ay kamideysan yihiin ayaa waxaa kamid ah iyaga oo hal beel oo kursigaas u tartamaysa kawada socda, oo hadii ay dhacdo midkood inuu tartanka isaga haro ay midka kale un xoojinayso awooddiisa, inkasta oo siyaasadda xilligan ee barlamaanka soo socda uu ku horeyn karo Madaxweyne Shariif oo saami ahaan beesha ay kasoo wada jeedaan xubnaheeda isagu qoondeeyey.

Dr Abdiweli Gaas laftiisa ma sahlana oo waxaa gadaal ka riixaya maamul goboleedka Puntland oo difaac kaga jira Maamulka goonida isaga taagay Soomaaliya ee Somaliland oo ay ka cabsi qabaan in Madaxweynaha cusub ee imaan doona inuu Raiisul wasaare siiyo maamulkaasi, si loo helo dowlad midnimada qaran oo loo wada dhan yahay, waana tan keentey inuu Dr Gaas u soo istaago xilkan, inkasta oo uu aad uga horeeyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku fashilmay ololaha hamigiisa doorashada, iyada oo dadka soomaalidu ay aad ula yaabeen qaabka uu u doonayo inuu kusoo bandhigo hindisihiisa mustaqbalka.

Mr Farmaajo oo dhawaan tagay muqdisho waxa uu sabab u ahaa dhimashada dad rayid ah, kadib markii dadka gacan yarayaasha u ah ay adeegsadeen barakacayaasha oo dibad bax aan la ogeyn ka dhigay magaalada, dowladduna ay u aragtay nin caqabad ku ah amnigii loo soo dhibtoodey.

Qaar kamid ah dadka madaxda ka ah kaamamka barakacayaasha ayaa laga soo xigtay lacago loo isticmaalay barakacayaasha, taasi oo ka dhigaysa Farmaajo musharaxii ugu horeeyey ee dhibaateeya barakacayaasha, waxana dad badan ay is weydiinayaan bal waxa ay u soo kordhin karto dad isku soo baxay oo lacago la siiyay maadaama waxa codka bixinaya ay yihiin xildhibaano ku imaan doona 4.5, sidoo kalena welina ay joogaan xubnihii shalay sababay in shaqada uu ka cararo, sida Puntland iyo Shariif Xassan.

Waxyaabaha kale ee xisbiga Farmaajo ee la baxay TAYO lagu eedeynayo ayaa ah in xitaa guddoomiyaha xisbiga oo ah qof haweeney ah kana soo jeeda beelaha 0,5 ay ka hor istaageen inay soo istaagto, iyaga oo u arka inaysan ku haboonayn, waxana laga sugayaa loolan inuu la galo Dr Gaas oo ay isku beel kasoo jeedaan, heystana kalsoonida soo xulista barlamaanka cusub maadaama uu kamid yahay saxiixayaashii Road Mapka.

Prof Cali Maxamed Geeddi isa soo sharixistiisu waxay la yaab ku noqotay madaxda dowladda, isaga oo loo arko shaqsi qal qal galin kara rag badan oo maanta isku arka inay yihiin hogaamiyayaasha mustqabalka.

Waxaan hadalkooda la hayn musharaxiinta meelaha banaan buuxiya ee ku caan baxay qabashada xafladaha dalka dibaddiisa iyo kasoo muuqashada warbaahinta gaarka loo leeyahay kuwaasi oo loo arko inay ubax u yihiin marka la tartamayo doorashada dhici doonta 20ka bishan.

Kala guurkan soo dhawaaday iyo loolanka la gali doono oo aan ahayn mid sahlan ayaa la wada dhowrayaa, iyada oo laga cabsi qabo in xitaa ay dhici karto in la eedo KMG mudada lagu jiray oo la galo waji ka dhib badan kii hore, inkasta oo ay dhinaca kale bulshadu ay mujinayaan raja wanaag iyo in loo gudbo nabad iyo horumar guud, laguna bedelo dalkan dunida laga saaray dal soo kabta oo dunida la jaan qaada.

Waxaa Qorey
Maxamed Yuusuf
maxamedyuusf@gmail.com

webmaster@codkasoomaalida.com


NAGALA SOO XIRIIR

webmaster@codkasoomaalida.com
  • iyo codkasoomaalida@gmail.com
  • Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada

    Readers Comments (15)




    LIKE US ON FACEBOOK

    videos/events

    Dastuurka