Published On: Wed, Jan 2nd, 2013

Afhayeenka guddiga taakuleynta ciidamada Soomaaliya Marwo Baarliin oo u mahad celisay Marwooyinka Qaranka

Share This
Tags
Number of View: 53


Arbaco, January 02, 2013-Gudiga taakuleynta ciidamada Qaranka oo amaan iyo mahadcelin u diray Marwooyinka Madaxda Qaranka iyo Baarlamaanka Soomaaliya.

Qoraal saxaafada loogu talo galay ayaa si weyn loogu amaanay looguna mahadceliyey marwooyinka Madaxda Qaranka ee jamhuuriyada Federalka ah ee Soomaaliya doorka shariifka ah oo ay ka qaateen dhiiri galinta ciidamada qalabka sida ee jiidaha hore ku sugan iyo kuwo habeen iyo maalin u taagan ilaalinta nabadgalyada dalka.

Afhayeenka gudiga taakuleynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya Marwo Baarliin Maxamuud Cadaawe ayaa sheegtay in talaabooyinka marwooyinka qaranka ee qaadeen in ay tahay mid sare u qaadeyso niyada ciidamada qalabka sida, waana wax na farxad galinaya bay tiri in ay dhaayahooda ku soo arkaan duruufaha ay ku sugan yihiin ciidamadeena geesiyaasha ah .

Marwo Baarliin waxa ay sidoo kale dhambaal hambalyo ah u dirtay Baarlamaanka jamhuuriyada federalka ah ee Soomaaliya ee culeyska ku saaray xukuumada in miisaanad sanadeedka lagu cadeeyo miisaaniyada ciidamada qalabka sida, waxa ayna go’aanka baarlamaanka ku tilmaamtay in uu yahay mid ay ku dheehan tahay xilkasnimo iyo waajib gudasho qaran oo loo baahan yahay in dhamaan hay’adaha dowladda ee khuseeyo maamulka ciidamada qalabka in ay si hufnaan ah xuquuqdooda u siiyaan ciidamada Qaranka.

Gudiga taakuleynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo dhowr bilood ka hor looga dhawaaqay dalka Sweden ayaa mudooyinkii la soo dhaaafay waxa ay wadeen qorshooyin isugu jira ururinta dhaqaale iyo wacyigalinta qurba joogta Soomaaliyeed si ay uga qeyb qaataan caawinaada ciidamada naftooda u huray dalkooda iyo dowladooda.

 

codkasoomaalida@gmail.com

About the Author

-