Published On: Thu, Jan 3rd, 2013

Al-shabaab oo rasaas ku furtay goob uu aroos ka dhacayay oo ku taalla Gobolka Hiiraan

Share This
Tags
Number of View: 115


Khamiis, Jannaayo, 03, 2013-Qof dumar ah ayaa ku dhimatay saddax ruux oo kalena dhaawac ayaa ka soo gaaray kadib markii rag hubeysan oo ka tirsanaa Al-shabaab rasaas ku fureen goob ay ka soctay xaflad aroos deegaanka Booco ee gobollka Hiiraan galinkii danbe ee maalintii shalay.

Dad goob joogayaal ah oo ku sugan deegaannka Booco ayaa u sheegay warbaahinta rag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab tageen goobta lagu dhigayay munaasabada, kadibna rasaas ku fureen, waxaana isla goobta ku geeriyootay mid ka mid ah haweenkii munaasabada ku sugnaa halka sadax kalana uu dhaawac ka soo gaaray.

Haweenka ku dhawacmay rasaasta ayaa qaarkood la soo gaarsiiyay isbitaalka guud ee magaalada Baladweyne, halkaasoo hadda lagula tacaalayo xaaladooda caafimaad.

Xarrakada Al-shabaab ayaa inta badan ka soo horjeeda habka ay u dhacaan munaasabadaha loo dhigo arooska iyo xafladaha gaarka ah oo ay dadku sameystaan, waxaana marar badan oo hore deegaannada ay maamulaan ka dhacay weeraradan oo kale.

Dadka ku dhaqan deegaannka Booco 30km u jirta magaalada Baladweyne ayaa siweyn uga xumaaday weerarka lagu qaaday munaasabada, madaama uu ahaa wax ku cusub bulshada gobollka.
codkasoomaalida@gmail.com

About the Author

-