Bashiir Hanuuniye oo ka jawaabay war been ah oo ay website-yo Soomaaliyeed ka faafiyeen

Arbaco, December 26, 2012-Waxaan halkan idinkugu haynaa war murtiyeed uu soo saaray Bashiir Hanuuniye uu kaga hadlayo akhlaaq xumida warbaahinta qaarkeed siiba kuwa wax ku qora barta Internetka ama Website’s oo si xun u fasiray ama gaarsiiyay hees uu soo saaray Bashiir dhowr bilood ka hor isla markaana aan kasii deynay shabakadan caalamiga ah ee Deeyoo.com.
Heesta muranka badan dhalisay ee HABEEN TAGAY SOOMA LAABTO ayuu Bashiir fasiraad ka bixinayaa sida ay ku timid, goortii la qaaday iyo weliba cida qaaday, waa kan qoraalka Bashiir ee nala akhrista.
dhamaan shacabka soomaaliyeed waan idin salaamayaa meel kasta oo aad dunida ka joogtaan sidoo kalena waxaan rabaa idiin sheego heeska habeen tagay sooma laabto inaanu wax u jeeda ah iyo qof gaar ah oo ay ku socoto aanu jirin, waana hees hore oo ruwaayad ku jiray waxaana sidoo kale horey u soo qaaday fanaaniinta kala ah cabdulqaadir akaana iyo weliba cabdi casiis jarmal, waxaan rabaa inaan u sheego websideyada iyagu jecel markasta inay sheegaan wax aan jirin oo weliba buun buuniyan si shacabwaynaha soomaaliyeed u booqdaan websideyadooda ama shabakadahooda, inay ilaaliyaan anshaxa iyo asluubta saxaafada iyo sharafka fanka iyo suugaanta soomaaliyeed, sawirada dadkana u isticmaalaa si qaldan waad mahadsan tihiin.
Isha Warkan: deeyoo.com
codkasoomaalida@gmail.com















