Published On: Fri, Jun 1st, 2012

Ciyaaryahan Soomaaliyeed oo ku biiray Kooxaha heerka koowaad ee Ingiriiska

Share This
Tags
Number of View: 54


Jimco, June 01, 2012-Waxaa ciyaar aad u xiiso badan ku dhaxmartey garoonka EDDIE DAVIES kooxda Wigan FC iyo kooxda Bolton fc (ciyaartoydooda kayd ka ah) ciyaartan ayaa labada kooxood u lahayd muhiimiyad gaar ah sabab too ah waxa ay koox waliba tijaabinaysay ciyaartoydeeda kaydka ah si ay ugu diyaar garoobaan xili ciyaareed ka 2012/2013.

Kooxda Bolton ayaa iyadu xili ciyaareedkan dhamaaday ee 2011/2012 ka baxday heerka koobaad ee premiership-ka waxayna sanadka danbe ka ciyaari doonaan heerka labaad ee horyaalka ingiriiska, halka ay kooxda Wigan ciyaartoydeedu wali ka ciyaari doonaan heerka 1aad ee dalka ingriiska.

Hadaba ciyaartan ayaa iyana ahayd mid uu tababaraha kooxda Wigan ee Roberto Martinez indho gooniya ku fiirinayey oo uu rabay in uu sifiican u arko ciyaaryahanka da’da yare ee Soomaaliyeed Abubakar Sheegow oo labadii sano ee u danbaysay ku guulaystay kobka gool dhalinta da’yarta heerka koobaad ee kooxaha ingiriiska.

Hadaba ciyaartan dhexmartay labadan kooxood ee dariska ah ayaa si cad cad waxaa uga dhex muuqday ciyaaryahan kan da’da yar ee Abubakar Sheegow oo runtii ciyaartiisa bilicdeedu soo jiidatay dad waynihii fiirsanayey waxaana goobjoog ahaa gudoomiyaha jaliyada isbortiska Bolton Dr Cumar Canjeero oo noo sheegay macalinka kooxda wigan mr matinez in uu aad ugu faraxsanaa Abubakar sheego ciyaarta uu soo bandhigay.

Hadaba ciyaaryahankan da’da yar ayaa waxaa dhalay ciyaaryahan dalka soomaaliya caan ka ahaa oo u ciyaari jiray kooxdii weyneyd ee Horseed (cawa iyo malin) oo la odhan jiray Axmed sheegow Bishaara.

Ahmed Sheegow waxa uu hada ku nool yahay dalka injiriiska gaar ahaan magaalada Manchester waxa uuna dhiiri galiye iyo lataliye u yahay koox dhalinyaro ah oo ka shaqeeya horumarinta cayaaraha carurta ee magaalada Manchester oo layidhaahdo Whitworth Park Sports Club.

Hadaba mar’aanu Ahmed Sheegow ku waraysanay khadka telefoonka waxa uu noosheegay taariikh ciyaareedka Abubakar Sheegow waxana uu yiri “Abubakar waxa uu ku dhashay magaalada muqdisho xaafada xamar jajab dabayaaqadii sanadkii 1993dii isla markkina waxa aanu usoo wareegnay dalka Kenya halkaas oo aanu uga soo gudubnay dalkan ingiriiska, Abubakar waxa uu iskuulka iyo dugsigaba ka bilaabay magaalada Manchester waxaanse ogaaday in uu ku fiicnaan doono kubada cagta kadib markii uu macalin soomaaliyeed oo u dhigi jiray dugsiga ii sheegay in ay xirfadiisa cayaareedi aad u sarayso, kadib waxaan u geeyey wiil soomaaliyeed oo layiraahdo Fuad Ahmed oo runtii ahaa ciyaartoydii aan anigu soo saaray kadibna noqday macalin ka tirsan naadiga Manchester City halkaasna waxa uu ku biiray naadiga soomaalida magaalada Manchester ee Whitworth Park Sports Club.

Ka dib Abubakar waxaa ka qaadatay kooxda soomaalida koox ajinabi ah oo layidhaahdo Follofield Tigers, intaas kadib Abubakar waxaa fursad dahabi ah uu ku soo bandhigo xirfadiisa ciyaareed siisey naadiga Manchester city waxaana sabab u ahaa ciyaaryahanka soomaaliyeed ee la yidhaahdo Abdisalaan Ibraahim (ilaahay ha xiftiyee) ayadoo muddo gaaban ka dibna uu u wareegay kooxda wigan taasoo uu sabab u ahaa suuq geeyaha ciyaartoyda Abdinasir Geelle oo kula taliyey in ay uga fursad fiicantahay haduu ku biro naadiga Wigan”

Ugu danbaytii waxa uu Ahmed Sheegow noo sheegay in uu la jecel yahay willkiisan in uu noqdo ciyaartoy u ciyaara dalkiisa soomaaliya waxa uuna yiri “sharafta ugu saraysa ee uu ciyaartoy gaadhi karo waa in uu xirto funaanada qarankiisa”

Diyaariye: Sir Fuad
Manchester UK

About the Author

-