Cowskii macmalka ahaa oo lagu goglay garoonka Koonis Stadium

Arbaco, December 26, 2012-Waxaa dhammaad ama gabogabo ku dhaw dhameystirka bilicda garoonka kubada cagta ee Koonis Stadium oo ku xeebta magaalada Muqdisho.
Waxaa indhahaaga soo jiidanaya quruxda dooga cagaaran ee la dhigay garoonka oo in muddo ah la daalaa dhacayay rafaad iyo dayacaad ay badeen dadkii ehelka u ahaa Sportiga dalkeena, balse markaan u muuqda mid helay waajibkiisii uu sugayay in ka badan 30 sano.
Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta iyo Olimbikada ayaa dadaal dheer u galay inay wax ka qabtaan dibna u habeeyaan garoonkan oo ah kan ugu faca weyn garoomada ku yaala dalkeena, waxaana ay nasiib u heleen inay soo diyaariyeen cowska cagaaran ee macmalka ah oo in muddo ah ku xayirnaa wadamada deriska ah kadib dagaalo ay magaaladu deris la noqotay 3 ilaa 4tii sano ee ugu danbeysay.

Waxaana la hubaa in saacadaan garoonku diyaar ahaan lahaa mar hore hadii ayan dhici lahayn dagaaladii ugu danbeeyay oo dib u dhigay shaqo kasto oo la qaban lahaa.
hadaba waxaan leenahay hambalyo dhamaan intii gacanta ka geysatay horumarkan hada soo bidhaamaya, kana mid qeybaha horumarineed ee ka socda caasimada dalkeena ee Muqdisho oo sando badan aheyd xarunta rafaadka,, balse hada u muuqata inay noqoneysa xarunta raaxada.

Isha Warka: Deeyoo Sport
codkasoomaalida@gmail.com















