Deepika Padukone iyo Ranveer Singh oo xiriir jaceyl billaabay

Axad, January 21, 2013-Xiddigaha Bollywood ee kala ah Deepika Padukone iyo Ranveer Singh ayaa waxaa soo baxaya warar ay warbaahinta dalka India qaarkeed daabacday oo salka ku haya in labada jilaa uu xiriir ay billaabeen xiriir wada socod ah.
Labada Jilaa Deepika Padukone iyo Ranveer Singh ayaa waxay ku mashquulsan yihiin jilitaanka filim uu soo saare ka yahay Sanjay Leela Bhansali, waxaana la arkayay labada jilaa oo inta badan si gooni gooni ah u faqaya, isla markaana isweydaarsanaya hadallo iyo ficillo aan la mid ahayn kuwa ay dadka saaxibada caadiga ah isweydaarsadaan.
Dhowr Jilaa oo shirkadda Bollywood ka tirsan, isla markaana wax ka ogaaday xiriirka billowga ah ee labada jilaa ayaa waxay sheegeen in ay arkeen labada jilaa, gaar ahaan Ranveer uu booqday dhowr jeer Deepika.
Deepika ayaa waxay horay ula horay ula socotay jilaaga beryahan ugu cad cad shirkadda Bollywood ee uu dhalay jilaagii weynaa Rishi Kapoor waa Ranbir Kapoore, waxaana burburka xiriirkooda loo tiriyaa waalidka Ranbir, gaar ahaan hooyada Ranbir Mrs. Neetu Singh.

Dhanka kalena Ranveer Singh oo ku soo caan baxay filimkii Band Baaja Baaraat ayaa wuxuu dhawaan la soo baxay muuqaal ka duwan midkiisii hore, wuxuuna muuqaalkiisan ugu dambeeyay muujinayay in uu ka shaqeeyay oo uu dhisay jirkiisa, iyadoo weliba taasina ay keentay in isagoo xabadkiisu qaawan yahay lagu sawiro majaladaha caanka ah ee ka soo baxa Mumbai-India.
codkasoomaalida@gmail.com















