Published On: Mon, Aug 6th, 2012

DILA ( gabay) waxaa tiriyey Abwaan Mustafe Sheikh Cilmi

Share This
Tags
Number of View: 192

Soomaliyeey taladiina dila,
Docnaba uma dhaafsanee,
Waxaad aragtaanba dila,
Miyaa dawo lagu helaa,

Ninkii hore aado dila,
Hadduu dib u harana dila,
Hadduu doc u leexdo dila,
Hadduu dowlad sheego dila,
Hadduu diin wadana dila,
Sajuudda ku daaha dila,
Ka dara oo xishoodka dila,
Dumarka dhulka xaaqi dila,
Ardada iskuulaadka dila,
Islaan canug duudsan dila,
Middii dihaneysa dila,
Horeba waa loo dilee,
Ninkii duunyo heysta dila,
Hadduu dibjir yahayna dila,
Hadduu daarta korana dila,
Hadduu soo degana dila,
Hadduu duub yahayna dila,
Hadduu doctor yahayna dila,
Midkii wax daweeya dila,
Wixii wax ogaada dila,
Intaan wax ogeyna dila,
Ogaalka naftiisa dila,
Si aan waxba loo ogaan.

Hadaad saas doorateen,
Is dila isdaayaa ka wacan,
Dagaalka aad sii wadaan,
Dadku waa dhamaanayaa,
Dalkuna waa wareegayaa,
Waxaana soo dagi dad kale,
Digniin idin siiyayoo,
Dardaaranna iima harin,
Haddiise aad diidan tihiin,
Waxaad aragtaanba dila,
Xitaa idinkuna is dila.

Foojignaan: xuquuqda geeraarkaan waxay u dhowran tahay abwaan mustafe sheekh cilmi iyo buuggiisa cusub ee: dal masiibo dabbaashay, dareen hooy u ahaaday, oo maansadani ka mid tahay maansooyin iyo sheekooyin dhab ah oo u abwaanku u soo joogay ay ku qoran yihiin.

webmaster@codkasoomaalida.com

About the Author

-