Codka Soomaalida Online
Maxaad ka taqaanaa shaqsiyaadka Qas-wadayaasha ah ee waday Mooshinkii Dhicisoobay.?
Axad, May 19, 2013—Iyadoo todobaadyadii ugu dambeysay ay koox Xildhibaano ah wadeen mooshin ay doonayaan ay  khal khalgeliyaan horumarka ay ku talaabsatay Xukuumada Raysal Wasaare Saacid ka gaartay dhanka siyaasada, arrimaha dibadda, cadaalada iyo garsoorka, fidinta siyaasada dawladda ee gobolada dalka iyo xoojinta midnimada Soomaaliyeed, ayaa waxaa la ogaaday in shaqsiyaadka ka dambeeyo fowdadaasi.
Marka la eego shaqsiyaadka hor boodaya mooshinkan dhicisoobay ayaa dhamaantood waxa ay yihiin xildhibaano lagu xusay dhamaan warbixinadii Q/midoobay, gaar ahaana UN Somalia Monitoring Group iyo urururo kale oo caalami ah sida International Crisis Group ICG taasoo ku tilmaantay inay yihiin Qas-wadayaal (Spoilers). Lana xanibi doono dhaq dhaqaaqooda iyo weliba hantidooda.
Kooxahan ayaa waxaa hor boodaya xubno horay uga tirsanaan jiray dawladdihii KMG ahaa, kuwaasi oo ku caanbaxay Musuq maamusuqa dhaqaale iyo mid siyaasadeed, hurinta colaadaha sokeeye iyo khal khalgelinta Nidaam kasta oo ka hirgala Soomaaliya.
Kooxahan ayaa dabagal la sameeyey waxaa lagu ogaaday inuu horboodayo Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan, iyo kal kaalisadiisa Fawsiya Maxamed Sheekh, kuwaas oo boorka isku qarinaya isla markaana ku beer laxawsanaya xildhibaanada beesha Dilgil iyo Mirifle xaqiina ayaa maqan, waana inaad kacdoon sameysaan.
Shariif Xasan oo dadka badankiis u yaqaanaan (Shariif Sakiin) ayaa ku caanbaxay Musuq maasuqa hantida shacabka, waxaana Q/midoobay ay ku eedeysay inuu lunsaday Malaayiin Dollarka Mareykanka ah oo gargaar ahaan loo siiyay dawladda Soomaaliyeed, intii uu hayay xilka Wasiirka Maaliyadda ee dawladdii Cumar C/rashiid, iyo intii uu ahaa Guddoomiyaha Baarlaamanka waana ruuxa kali ah ee magaciisu safka hore kaga yaalo warbixin kasta oo laga qoro musuqmaasuqa sidoo kalana waxaa lugu tilmaamaa inuu yahay Siyaasi aan waligiis laga maqal lagana dareemin dhibaatada amni xumo ee soo ragaadisay dalkeena.
Kalkaaliso Xildhibaanad Fawsiya, waxay caan ku tahay daba orodka Shariif Sakiin, waana gacan yaraha Shariif Sakiin, waxayna warbixintii Q/midoobay ku eedeysay inay ka shaqeyso falalka is xambaarka ah iyo tahriibinta (Human Trafficking) dumar iyo dhalin yaro badan oo Soomaaliyeed, kuwaasoo ay ka iibsato Viisooyin ay ku soo qaado qaab safaro siyaasadeed, caafimaad iyo waxbarasho, waana Qaswadayaasha magacyadooda sida weyn loogu xusay warbixintii UN Somalia Monitoring Group iminkana ku howlan mooshinka dhicisoobay ee lagu doonayo in lagu damiyo iftiinka iyo rajada shacabka ee Xukuumada Raysal wasaare Saacid.
Dadka kale, ee la ogaaday inay ku lugleeyihiin mooshinka dhicisoobay ee ka dhanka ah Xukuumada Raysal wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa waxaa ka mid ah Xildhibaan Cabdirasaaq Xasan Cusmaan (Jurille), kaasoo aan u baahneyn falanqeyn dheeraad ah, maadaama ay Soomaalidu wada garaneyso uuna caan ku yahay wax isdabo marinta siyaasada labo wajiilenimada iyo hurinta colaadaha, horayna u boobay hanti fara badan oo dalku lahaa, gaar ahaana lacagtii mashruucii caanka ahaa ee FAO, kaasoo loogu talagalay horumarinta adeega bulshada Soomaaliya iyo ku shubistii suntan ee lugu aasay badda Soomaaliya.
Jurille ayaa sidoo kale, ku caanbaxay duminta dawladdaha iyo laaluush qaatenimada, waxaana lagu xasuustaa kaalintii uu ku lahaa maja xaabintii dawladdii marxuum Cabdullaahi Yuusuf Axmed, wuxuuna aad ugu dadaalaa in dalka aysan dawlad ka dhalan, maadaama uu ka cabsanayo in maxkamad lagu soo taago boobkii hantida Qaranka.
Ninka ugu dambeeya, waa Xasan Abshir Faarax oo mar Raysal wasaare ka soo noqday dawladdii Carte ee uu madaxweynaha ka ahaa Dr. C/qaasim Salaad Xassan , ninkani wuxuu caan ku yahay siyaasada nooca munaafaqeynta iyo labo wajiilanimada ku dhisan iska hor keenka qabaa’ilada Soomaaliyeed iyo hurinta colaadaha sokeeye, waxaana lagu xasuustaa kaalintii uu ku lahaa hurinta dagaalkii weynaa ee magaalada Muqdisho ka qarxay 1992-dii, kaasoo loogu magac daray dagaalkii Afar biloodlaha, waxaana dagaaladaasi ku naf waayay kumanaan dad rayid ah.
Ninkani, isagu wuxuu aad u jecelyahay inuu ka hor yimaado xukuumad kasta oo dalka ka dhalata, waana nin uu madax maray hanka Kursi doonimada ah, isaga oo ku doonaya si kasta oo uu ku heli karo kursiga Raysal wasaaraha, waana sababta uu ku diidan yahay Xukuumada Raysal wasaare Saacid.
Xasan Abshir waayihii ugu dambeeyey wuxuu aad ugu howlanaa siyaasada qariban ee Jubbooyinka, wuxuuna qeyb ka ahaa kala fogeynta dawladda iyo horjoogayaasha Jubbooyinka, iyadoo aaqirkii dhashay maamulo is barbar yaac ah oo sii fogeeyey rajada ummadda Soomaaliyeed.
Gabagabadii, aqristayaasha sharafta leh, waxaan u balan qaadeynaa inaan u soo gudbin doono warbixno cad cad kuwaasoo cadeyn u ah, talaabooyinka qaloocan ee ay qaadayaan kooxahaan qaswadayaasha ah kuna caanbaxay musuq maasuqa, laaluushka iyo khal khalgelinta horumarka dalka.
Leyla Xuseen Cilmi
Leylaxusen114@gmail.com
Habloow raali ka ahaada (GABAY)
Heesta Guul Alle ee Nimco Yaasiin iyo Cabdijabbaar Al-Khaliiji
EREYADII: CABDINAASIR CALI XAMARI
LAXANKII: CABDINAASIR CALI XAMARI
CODKII: NIMCO YASIIN IYO ABDIJIBAR AL KHALIIJI
MUSIC BY: MUSTAF KARAMA
DIRECTED & PRODUCE BY STUDIO LIIBAAN
VOCAL RECORDING BY: MUSTAF KARAMA
EDITED CAMERA BY STUDIO LIIBAAN
SOOSAARIDII: STUDIO LIIBAAN
Liibaan Jama Website
http://studioliibaan.com/
Copy Right Liibaan Jama
Feysal Cali Waraabe oo ka hadlay Salaantii Madaxweynaha Soomaaliya
Wareysi fannaanadda Ayaan Toromso VIDEO
Taliyaha cusub ee ciidamada booliska Soomaaliya oo xilkiisa la wareegay (SAWIRRO)
Axad, May 12, 2013—Maalin kadib markii uu xilka kula wareegay xaflad ballaaran oo lagu qabtay magaalada Muqdisho, oo ay kasoo qayb galeen, Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya  Cabdi Faarax Shirdoon, wasiirka arrimaha gudaha C/kariim  Xusseen Guuleed iyo madaxa cadaalada Soomaaliya Caydiid ilka xanaf ayaa taliyaha cusub ee ciidanka booliska Soomaaliya uu ballanqaaday inuu adkayn doono amniga dalka, gaar ahaanna caasimada iyo gobollada kale ee ay dawladu gacanta ku hayso.
General, C/xakiim Daahir Siciid oo ku magac dheer (General Saacid) oo la hadlay Hiiraan Online ayaa sheegay in ahmiyadda koowaad ay noqon doonto dhisitaanka ciidan adag oo laga dhiso dhanka tababarka iyo anshaxa ciidanka, kuwaasoo khibrad u yeesha inay si xirfadaysan u sugaan amniga dalka.
Waxaa uu ku tilmaamay in ciidanka booliska uu yahay mid loo igmaday sugitaanka ammaanka gudaha ee dalka , si taa loo helana uu dajiyay mashruuc dhammaystiran oo lagu horumarinayo ciidamada booliska ee Soomaaliya.
“Ciidanku boolisku waxay sugaan amniga shacabka, waxaanan ugu adeegi doonaa shacabka Soomaaliyeed si cadaalad iyo wadaniyadi ku jirto oo qof walba oo Soomaali ah uu aamino in ciidanka boolisku ay yihiin gacantii badbaadada” ayuu yiri General Saacid.
Magaalada Muqdisho ayaa maalintii shalay ahayd lagu qabtay xaflad uu xilka ku wareejiyay taliyihii hore ee ciidamada Soomaaliya Shariif Sheekhunaa Maye, uuna kula wareegay taliyaha cusub, taasoo ay joogeen qaar kamid hogaamiyayaasha dalka.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon oo kulankii shalay ka qaybgalay ayaa ku tilmaamay isbadalka hogaanka ciidanka inuu qayb ka yahay isbadal guud oo dalka laga hirgalinayo, kaasoo ujeedkiisu yahay in dib loo soo nooleeyo adkaynta hay’adahii qaranka.
Waxaana uu kula dardaarmay hogaanka cusub ee ciidamada booliska inay qaadaan tallaabooyin lagu horumarinayo adeegyada ay shacabka u qabtaan ciidanka boolisku.
Kadibna taliyaha cusub ayaa kulamo la qaatay saraakiisha ugu sarreysa ciidamada booliska, si looga tashado hirgalinta qorshayaasha ay dajiyeen hoogaanka cusub ee ciidanka booliska.
General Saacid, Taliyaha cusub ee ciidamada Soomaaliya ayaa horay u ahaa ku xigeenka taliyaha ciidanka booliska, waxaana uu kamid ahaa saraakiishii ciidanka ee kasoo shaqeeyay dawladii kacaanka Soomaaliya oo uu hogaaminjiray AUN, Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre.
codkasoomaalida@gmail.com
JEN. CADDE MUUSE XIRSI: “Qof walba oo Puntland jooga waa ogyahay inay dhibaato ka jirto Deegaannada Puntland”
Jimco, May 10, 2013— Madaxweynihii hore ee Puntland Gen. Maxamuud Muuse Xirsi (Cadde) oo maanta shir-jaa’id ku qabtay guriga uu ka degen yahay magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar, ayaa ka hadlay arimo badan oo la xiriira xaaladda siyaasadeed ee ay xilligan Puntland ku sugan tahay.
Gen. Cadde ayaa tilmaamay in xaaladda siyaasadeed ee Puntland ay xilligan la joogo tahay mid aan degeneyn, isagoo ka digey khilaaf siyaasadeed oo hor leh, kuna baaqay in laga fogaado wax walba oo nabadda iyo xasiloonida wax u dhimi kara.
“Waxa hadda aan ka hadlayo ninkasta oo caqli lihi waa ogyahay. Nin kasta oo jooga Puntland waa ogyahay in dhibaato weyni ka jirto wadanka, wixii aan ka digeynay waa kuwa hadda dhacay…” Madaxweynihii hore ee Puntland ayaa yiri.
Dhinaca doorashooyinka soo socda iyo ururada siyaasadda ee Puntland ka hanaqaaday mar uu ka hadlayey, wuxuu ku tilmaamay kuwo aan sharci ahayn oo dimuqraadiyadda ka fog.
“Shuruucdii la rabay oo dhan ayaa ka maqan, dimuqraadiyad waan rabnaa, laakiin xisbiyadu kuwo soconaya ma ahan. Ninkii wax garad ah yuusan yeelin khasab baan ku marinayaa xisbiyadaas”
Ugu dambeyn, wuxuu madaxweynihii hore ee Puntland ugu baaqay qaybaha kala duwan ee bulshada in nabadda la dhowro, meelna looga soo wada jeesto cid kasta oo midnimada iyo xasiloonida wax u dhimi karta.
Hadalka Gen. Cadde Muuse ayaa kusoo aadaya maalin kaddib, markii ay shalay ciidamo ka tirsan kuwa Daraawiishta oo ka gadoodsan mushahar la’aan bilihii u danbeeyey soo wajahday, ay xoog kula wareegeen, islamarkaana ay muddo saacad ka badan haysteen, xarumo dowladeed oo muhiim ah -oo ku yaal magaalada Boosaaso – kuwaasoo ay kamid yihiin: kantaroonlka Boosaaso laga galo, Dekedda iyo Bankiga.
codkasoomaalida@gmail.com
Qarammada Midoobay oo sheegtay in Askar badan oo AMISOM ka tirsan lagu dilay Soomaaliya tan iyo Sannadkii 2007
Jimco, May 10, 2013— Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 3,000 oo askari oo ka tirasn ciidamada AMISOM lagu dilay gudaha Soomaaliya tan iyo sannadkii 2007 oo uu howlgalkan billowday, iyadoo sheegtay in askarta ugu badan ee la dilay ay ka socdeen dalalka Uganda iyo Burundi.
Ku xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Jan Eliasson ayaa u sheegay Reuters in dalalka ka tirsan AMISOM ay naftooda qaaliga u hureen sidii ay Soomaaliya nabad uga dhalin lahaayeen, isagoo sheegay in tirade ay tahay mid aad u badan.
“Waad ka argagaxaysaa markii aad ogaato in 3,000 oo askari oo AMISOM ka tirsan ay ku dhinteen howgalka nabad ilaalinta Soomaaliya, askartan oo dhan waxaa la dilay intii uu howlgalku socday,” ayuu Eliasson yiri.
Ciidamada AMISOM ee ku sugan gudaha Soomaaliya ayaa waxay tiradoodu tahay 17,700 oo askair, kuwaaso ka kala socda dalalka Uganda, Burundi, Jabuuti, Kenya iyo Sierra Leone.
“Dalalka Uganda iyo Burundi ayay askarta badankood ka dhinteen,” ayuu ku daray hadalkiisa. “Ciidamada Kenya oo qayb ballaaran ka ah AMISOM ayaa iyagana ay soo gaartay dhimasho.”
Tirada ciidamada AMISOM kaga dhimatay howlgalka Soomaaliya ayaa waxay ku dhow dahay tiradii ciidamada Qaramada Midoobay ee howgallada ku dhintay tan iyo sannadkii 1948-kii taasoo gaaraysa 3,096 oo askari.
Howlgalka AMISOM ayaa wuxuu ka caawiyaa dowaldda Soomaaliy a sidii ay isaga difaaci lahayd Al-shabaab, iyadoo labadii sano ee lasoo dhaafay ay ka qabsadeen ciidamadan isbahaysanaya Al-shabaab dhul ballaaran oo ku yaalla Koonfurta Soomaaliya.
Cadadka ciidamada AMISOM ee ku dhintay dagaallada lagula jiro Al-shabaab ayaa noqonaya kuwii ugu badnaa ee la shaaciyo, iyadoo dalalka ay AMISOM ka socdaan sida Uganda iyo Burundi ay dhowr jeer beeniyeen tiro la sheegay in looga dilay dagaallada Soomaaliya ka socda.
Hadalkan ayuu Eliasson ka sheegay shirkii London lagu qabtay ee yabooha loogu raadinayya Soomaaliya, iyadoo kooxda ay AMISOM dagaalka kula jirto ee Al-shabaab ay weli awood u leeyihiin inay fuliyaan qaraxyo iyo weerarrro toos ah.
codkasoomaalida@gmail.com
Warbaahinta iyo sida ay u shaqeyso- VIDEO
Saxafiyadda Idil Cabdi Cusmaan oo la soo shaqeysay BBC-da, VOA iyo Jariidada the Guardian ayaa barnaamijka FOOL KA FOOL ee Universal TV waxay uga warrantay warbaahinta iyo sida ay u shaqeyso, waxayna ka hadashay arrimo badan.
HOOS KA DAAWO WAREYSIGA
codkasoomaalida@gmail.com
Dooddii Cali Khaliif Galeyr iyo Axmed Ismaaciil Samatar su’aalaha lagu weydiiyay