Fin-doobka ma cudur baa mise waa caafimaad?

Talaado, July 24, 2012-Cudurka loo yaqaan FINDOOBKA waa mid si aad ah caan ah oo waxyeelo ba’an u geysta jirka quruxda badan ee dhalinyarada koritaanka iyo xiligeedii ugu wanaagsanaa maraya wuxuuna isu bedelayaa wejiga qofka cudurkan haleelo mid laga cararo oo aad u fool xun, da’da inta badan findoobku ku dhaco waxay u dhaxeysaa 13-sano ilaa 35-jir.
Fin-doobku dhalinyarada 15-20 ayuu ugu badan yahay, laakiin waxay dhibaatadu tahay inaan ilaa xiligan la ogaan sababta xaqiiqada ah ee ka danbeysa cudurkan oo an mid ka mida cudurada maqaarka ku dhaca, ee dhididka iyo duxda qeyb ka yihiin, waxaa sidoo lagu wareersan yahay oo Dhakhaatiirtu aanay jawaab u heynin sababta cudurkani ugu kooban yahay wejiga iyo meelaha ku dhow isagoo aan haleelib jirka intiisa kale.
Waxaa la ogyahay in cudurku yahay mid dhaxal ah oo haddii qofku aabihii uu qabay isaguna ku dhacayo, laakiin dhaxalku ma aha mida kaliya ee keenta cudurka, waxaa jira dawooyin looga hortago ama lagu daweeyo laakiin waxaa muhiim ah in qofku inta uusan qaadan la-tashi la sameeyo Dhakhaatiirta, waxaa in la ogaado ay tahay inuusan cudurka Findoonku ahayn mid la is qaadsiiyo maadaama aanu keenin jeermis.
Waxaa jira been fakatay oo ah in cudurku daawo u tahay inuu:
Qofka uu hayo sameeyo falgal jinsiyeed kaasina waa khuraafaad, laakiin waxaa jira tusaalooyin la raaco si loola dagaala,mo fin-doobka:
In wejiga subax iyo galab lagu dhaqo biyo iyo saabuun
In laga digtoonaado waxyaabaha uga dari kara sida xoqida iyo ku tacaalida dawooyin aan loogu talo gelin.
In laga fogaado is qarinta dhibaatada leh ee had iyo goor la masaxayo.
• Qoraxdu oo la isku dhigo waxba kama gasho.
webmaster@codkasoomaalida.com















