Gareth Barry oo aan ka qeybgeli doonin Ciyaaraha EURO 2012

Isniin, May 28, 2012-Ciyaaryhanka Khadka dhexe ee dalka Ingiriiska Greth Barry ayaa laga saaray liiska ciyaartoyda EURO 2012 uga qeybgeli doonta Xulka Ingiriiska, waxaana taasi ugu wacan dhaawac ka soo gaaray muruqa hoose ee caloosha.
Xiriirka Kubadda Cagta ee Ingiriiska ayaa xaqiijiyay in Greth Barry oo 31 sano jir ah Isiintii lagu sameeyay baaritaan, kaasi oo lagu caddeeyay in uusan wax dhaqdhaqaaq Isboorti ah sameyn Karin.
“Aad ayaan uga xumahay in aan weyno Gareth”sidaas waxa ayiri tababaraha xulka qaranka Ingiriiska Roy Hodgson oo sheegay in uu rajo wanaagsan ka qabo in uu Greth u ciyaari doono xulka qaranka kaddib ciyaaraha EURO 2012.
Dhanka kale Roy Hodgson wuxuu u yeeray Phil Jagielka oo kooxda Everton difaac uga ciyaara, si uu u bedelo Greth Barry.
Bilaabasha ciyaaraha EURO 2012 ayaa waxaa ka harsan 11 maalmood oo qur ah, waana tartan si weyn loo wada sugayo.
Codka Soomaalida Sports News Desk
codkasoomaalida@gmail.com















