Guddoomiyaha Xiriirka Suxufiyiinta Afrika oo BBC-da uga warramay shir uu la yeeshay Madaxweynaha Ghana

Jimco 24-ka Agoosto 2012-Guddoomiyaha xiriirka guud ee urrrada Suxufiyiinta Afrika, Cumar Faaruuq Cusmaan, oo haatan jooga dalka Ghana ayaa sheegay inay Madaxweynaha dalkaas, John Mahama, ay kala hadleen sidii madaxda ururka Midowga Afrika ay u oggolaan lahaayeen xeer lagu ilaalinayo suxufiyiinta qaaradda Afrika.
Qaaradda Afrika sanad walba ayaa dhibaatooyin kala duwan loogu geystaa suxufiyiinta, oo qaar la dilaa, qaar la xiraa, halka qaar kalena jirdil iyo hanjabaad ay kala kulmaan maamulada ka jira Afrika.
Soomaaliya ayaa ka mid ah meelaha dhibaatada ugu badan ay ka soo gaarto weriyayaasha ka hawl-gala.
Soomaaliya waxaa sanadkan oo keliya lagu dilay ilaa sideed weriye, iyadoo qaar kalena ay dhaawacyo soo gaareen.
Waxaa jira dalal kale oo Afrika ah sida Eritrea iyo Ethiopia oo ka mid ah meelaha ay ku xiran yihiin weriyayaasha ugu tirada badan qaaradda.
Haddaba waxyaabihii ay kala hadleen Madaxweynaha Ghana, ayaa Cumar Faaruuq oo isla markaana ah Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinya Qaranka Soomaaliyeed uu uga warramay Farxaan Maxamed Jimcaale.
HALKAN KA DHEGEYSO WAREYSIGA-BBC Somali
webmaster@codkasoomaalida.com






















