Published On: Thu, Dec 27th, 2012

Horyaalkii 28-aad ee ciyaaraha fudud ee Soomaaliya oo maanta furmay (SAWIRRO)

Share This
Tags
Number of View: 68


Khamiis, December 27, 2012-Waxaa garoonka banaadir (Ex-Conis) ka furmey horyaalkii 28-aad ee ciyaaraha fudud orodada, kaasi oo ay soo agaasimeen masuuliyiinta xiriirka ciyaaraha fudud ee somaliya socon doonana dhamaadka bishan.

Xafladii furitaanka horyaalka oo ka dhacdey gudaha garoonka banaadir ayaa waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiinta gudiga olombikada,qaar ka tirsan madaxda xiriirada, ciyaartoy,taageraayaal iyo bahda saxaafadda.

Madaxdii goob jooga u ahayd furitaanka horyaalaka ayaa waxaa ka mid ahaa,Ku xigeenka GOS Xasan Axmed Cabdi (X.elman) Gudoomiyaha Olombikada Gobolka banaadir Axmed Nuur,Gudoomiyaha xiriirka K.Cagta Cali Saciid Guuleed,Kubadda Koleyga Ibraahim Xuseen Cali (Roombo) kaaliyaha xoghaya xiriirka ciyaaraha fudud,ku xigeenka kubadda cagta,Drs. Caasha Aden oo ah dhaqtarada X.C,Fudud iyo marti sharaf kale.

Gabadha ku xigeenka ka ah xiriirka ciyaaraha fudud,isla markaana ah Ku simaha Gudoomiyaha xiriirkaasi,marwo Khadijo aden dahir ayaa ugu horeyntii sharaxaad ka bixisey sida ay u soo agaasimeen horyaalkan ciyaaraha fudud 28-aad (Championship)iyadoo xustey inay ka qeyb geli doonaan ciyaartoyda wiilal iyo gabdho oo ka kala socda ilaa 8 kooxood.

Khadiijo ayaa sheegtey in dhinaca wiilashu uga qeybgeli doonaan orodka 100 meters, 200 meters, 400 meters, 800 meters, 1500 meters,5000 meters, 10.000 meters iyo sidoo kale boodada sare,dhinaca gabdhaha ayaa iyaguna ku tartami doona 100 meters, 200 meters, 400 meters, iyo 800 meters.


Xasan Axmed Cabdi (Elman) oo ah ku xigeenka GOS ayaa halkaasi ereyo ka jeediyey, isagoo xusey inuu aad ugu faraxsan yahay in ciyaartoy yar yar oo ka qeybgalayaan horyaalka sanadkaan.

“Waxaa maanta farxad gaar ah ii ah aniga iyo Gudiga Olombikada inaan furo horyaalkii 28-aad ee ciyaaraha fudud (Championship) anigoo aaminsan in laga heli doono ciyaartoy tayo wanaagsan leh,waxaana u mahad celinayaa xiriirka ciyaaraha fudud oo si weyn ugu dadaala horumarinta”

Horyaalka oo ay ka qeybgalayaan ilaa 100 ciyaaryahan oo ilaa 8 kooxood u tartamaya ayaa socon doona mudo 4 maalin waxaana galabta la qabtey tartanka qeybta wiilasha ee 100M iyo 1500.



Wariye Sports C/Xafiid C/samad Zaciimka
codkasoomaalida@gmail.com

 

About the Author

-