Jilaaga Saif Ali Khan oo ka sheekeeyay Filimka Race 2 ee ay soo saareen | Codka Soomaalida Online
Wednesday, April 16th, 2014
Guurdoon

Jilaaga Saif Ali Khan oo ka sheekeeyay Filimka Race 2 ee ay soo saareen

Published on January 29, 2013 by   ·   4 Comments


Talaado, January 29, 2013-Jilaaga, Heesaaga iyo Muusikiistaha Saif Ali Khan ayaa ka sheekeeyay filimka Race 2 ee ay isaga iyo saaxibadiisa Bollywood-ka soo wada saareen, wuxuuna sheegay in qeybtan labaad ay ka wanaagsan tahay qeybtii hore.

Filimka Race 2 oo Action iyo Thriller isku ah ayaa waxaa wada jilaya Saif Ali Khan, Deepika Padukone, John Abraham, Jacqueline Fernandez, Anil Kapoor iyo Ameesha Patel, halka qeybtii hore ee isla filimkan oo soo baxday sanadkii 2008 ay wada jilayeen Saif Ali Khan, Bipasha Basu, Akshaye Khanna, Katrina Kaif, Anil Kapoor iyo Sameera Reddy.

Saif Ali Khan wuxuu sheegay in filimkan uu yahay mid ka fiican kana weyn filimkii hore ee Race, wuxuuna intaas ku daray in filimkan oo uu sameeyay isla filim sameeyihii hore ee Abbas Mustan loo sameeyay qaab  ka duwan midkii hore, isla markaana jilayaasha qaarkood ee ku jiray filimkii hore ee Race aysan ku jiran Filimkan Race 2.

“Waa sax in marka aad filim horay u soo baxay aad qeybtiisii labaad sameyeysid aad dareemeyso wel wel ah in ku guuldarreysato in aad filimkii hore wax cusub ku soo kordhiso, sida in aad dhameystirto sheekada filimka iyo muuqaallada”ayuu yiri Saif Ali Khan oo u warramayay TV-ga Euronews.

Filimka Race 2 ayaa Jimcadii hore ee ay bishan ahayd 25 laga sii daayay Shineemooyinka.

codkasoomaalida@gmail.com


NAGALA SOO XIRIIR

webmaster@codkasoomaalida.com
  • iyo codkasoomaalida@gmail.com
  • Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada

    Readers Comments (4)




    LIKE US ON FACEBOOK

    videos/events

    Dastuurka