Jilaaga Salman Khan oo sheegay in maalinta Jaceylka adduunka aysan wax macno ah ugu fadhin

Khamiis, February 14, 2013-Jilaaga caanka ah ee Bollywood Salman Khan ayaa sheegay in maalinta jaceylka Adduunka ee Valentine’s day aysan wax macno ah ugu fahdin. Salman Khan oo aan weli guursan ayaa wuxuu sheegay in muujinta jaceylka uu ka weyn yahay hal maalin oo la xuso, wuxuuna caddeeyay in maalintan loo rogay in lagu gudbiyo fikrado ganacsi.
Salman Khan oo si falsafadi ka muuqato uga hadlay arrintan ku saabsan xuska maalinta jaceylka adduunka ee valentine’s day ayaa wuxuu sheegay in hadalkiisan aan loo fasiri karin in uusan weligiisa jilbo-qabsan dumarka, “Waxaan siin jiray ubaxyo dumarka, xiriirna waa na dhexmari jiray”ayuu yiri Salman Khan oo dib u qooraansaday xilligii dhalinyaro-nimadiisa.
Laakin sanadihii aynu ka soo gudubnay waxaa isbedelay fikraddii Aktarta eek u saabsaneyd u dabaal-degidda maalinta Jaceylka Adduunka, “Ma aqaano maalintan. Haddii gabar ay raadineyso in ay soo jiidato wiilka saaxibkeedka ah, wey soo jiidan kartaa siyaabo badan, laakin in hal maalin ubaxyo la isa siiyo oo kaarar la isu soo iibiyo, taasi waxaan u arkaa mid dhayal ah oo aan dhab ahayn”ayuu yiri Salman Khan.
Jilaaga caanka ah ee Bollywood Salman Khan oo ka mid ah aktarrada adduunka ugu qurxoon oo da’diisu tahay 46 sano ayaan weli guursan, inkastoo uu sameeyay xiriirro jaceyl oo caan baxay, kuwaasi oo guuleysan waayay, iyadoo kiisii ugu dambeeyayna uu dhexmaray Aktaradda Kartina Kaif.
codkasoomaalida@gmail.com















