Kooxda Heegan oo Hogaanka u qabatay Horyaalkii 13aad ee Kubadda Gacanta

Sabti, December 29, 2012 Ciyaar aad loo wada sugaayay oo ka tirsan Horyaalkii 13aad Kubadda Gacanta isla markaana ahayd ciyaartii ugu danbeysay ee wareegga hore ayay ku dhex martay garoonka 1da Luulyo (Ex-Lugijo) magaalada Muqdisho kooxaha Heegan iyo Horseed. Waxaa guusha si xarago leh 16-32 kula hoyday Kooxda Heegan oo hogaankana u qabtay Horyaalkan.
Ciyaartan oo ku bilaabatay farsamo iyo kubad isku dhiib wanaagsan ay soo bandhigeen labada kooxood ayaa waxay ahayd mid ku dheehan Asluub, weerar iyo weerar celis u muuqday in qeybihii hore ciyaarta isku dheelitiran tahay ayaa qeybihii ugu dambeeyay Heegan la soo baxday farsamo ka yaabisay Horseed – Ciyaaryahanada Cali Baraawiini iyo C/fitaax Buukaale ayaa waxay noqdeen xiddigihii kooxdooda u horseeday guusha. Iyagoo goolal qurux badan ku asqeysiiyay Horseed.

Kooxda Heegan oo difaacanaysa Horyaalka ayaa marna guuldaro la kulmin dhamaan kulamadii ay ciyaareen wareegga hore, waxayna xeeldheerayaasha isboorti qaarkood saadaalinayaan in horyaalkan ay gacanta ku dhigi karto si fudud maadaama ay ku kalansan yahiin ciyaartoy da`yar xirfaddooduna sareyso.
Daawashada ciyaartan xiisaha lahayd ee Horyaalka 13aad waxaa ka soo qeybgalay mas`uuliyiin ka tirsan GOS, Madaxda Xiriirada iyo Qurba joog Isboorti oo dalal kala duwan ka yimid. Waxayna ku soo idlaatay si ay ku wada qanceen intii daawatay.


Said Ibrahim Hussein (BUUNA)
Email:buuna@isboorti.com















