Published On: Mon, May 28th, 2012

Ma dhab baa in Thiago Silva uu ka fekerayo Mustaqbalkiisa Kooxda AC-Milan

Share This
Tags
Number of View: 65


Isniin, May 28, 2012-Sida ay maanta qortay Jariidada Guardian ee ka soo baxda Britain, ciyaaryahanka difaaca uga ciyaara Kooxda AC-Milan ee lagu magacaabo Thiago Silva ayaa shaaca ka qaaday in uu ka fiirsanayo in uu ka tago garoonka San Siro waa haddii buu yiri uu maamulka Kooxda AC-Milan ay isku dayaan in ay iibiyaan.

Warkan ku saabsan in Thiago Silva uu sidaas ku hanjabay ayaa waxaa lala xiriiriyay kaddib markii tababaraha kooxda Manchester City Roberto Mancini ay wada hadal yeesheen Guddoomiye ku xigeenka Kooxda AC-Milan Adriano Galliani todobaadkii hore.

Horayna waxaa u soo baxay warar sheegayay Thiago ay doonayeen kooxaha PSG iyo Barcelona, mar arrimahaas wax laga weydiiyayna wuxuu ku gaabsaday in uu dhegeysanayo dalabyada kooxaha kala duwan uga imaanaya.

“Thiago wuxuu qandaraas kula jiraa AC Milan. PSG iyo Barcelona-na waa kooxo waa weyn, waana tixgelineynaa dalabaadkooda, laakin weli ma jirto cid ila soo xiriirtay, AC-Milan-na weli waxba iima sheegin”sidaa waxaa  Calciomercato u sheegay Paolo Tonietto oo u hadlay Thiago Silva.

“Waxay u muuqataa in aysan illaa iyo haatan jirin wax dalabaad ah, booska ciyaaryahankana mar walba waa diyaar, wuxuuna joogi doonaa Milan, haddii ay AC-Milan dooneyso in ay iibiso waa arrin kale”ayuu hadalkiisa ku sii daray Paolo Tonietto.

Codka Soomaalida Sports News Desk

codkasoomaalida@gmail.com

About the Author

-