Qaliirnimadu (caatannimadu) ma qurux baa?

Talaado, July 24, 2012-Caatenimada iyo dhuubnaantu waxay inta badan noqdeen wax laga jecel yahay caalamkan oo haweenku u heystaan in dhuubnaanta iyo jalaqsanaantu tahay quruxda ugu weyn ee haweeney heli karto, taasina waxaa qeyb qeyn ka qaatay haweenka caanka ah ee Jilayaasha ah kuwa Weriyeyaasha ah, kuwa Xayeysiinta ku shaqeysta iyo dhammaan dumarka ka shaqeeya Telefishanada caalamiga inay caate dhuuban yihiin.
Tani waxay keentay in lagu loolamo sidii culeyska la isaga yareyn lahaa, oo baruurta saaran haweenka qaarkii ay isaga dhigi lahaayeen si ay mar uun u helaan jir dhuuban, waxaa la ogyahay in cayilku yahay dhibaato qofkiisu u nugul yahay cuduro badan marka laga reebo culeyska nololeed, haddana waxyaabo badan oo haweenku u isticmaalaan inay culeyskooda ku yareeyaan ayaa ah kuwo aan wax faa’iido ah u lahayn.
Raashin nooc kaliya aad cunto waxba kama tarayo inaad culeyska iska yareyso sida ay dhaqaatiiirtu sheegayaan in sidoo kale aanay faa’iido lahayn raashin gaar ah oo la iska badiyo, waxayna kula taliyeen haweenka culeyskooda inay yareeyaan doonaya inay la-tashi caafimaad sameeyaan.
Caatenimada saa’idka ah waxay laf ahaanteeda ka darran tahay cayilka sida uu sheegayo Prof. Jallaal Acdam Jallaal oo ka tirsan Isbitaalka Boqor C/Casiis oo sii raaciyay dagaalka lagula jiro cayilka inuu sababo cunto ka qabatow dadka halis geliya, waxayna daraasad laga sameeyay dhowaan dalka Mareykanka caddeysay in geerida dadka aadka caatada u ah ka badan tahay 10-20% dadka cayilan.
Inkastoo haweeneyda aadka u buuran halis ugu jirto cuduro badan sida Sonkorta, Wadane-xanuunka iyo cuduro kale, haddana Caatada aan u aragno inay tahay caafimaad, qurux iyo barbaare haddii haweeneydu caatenimadeedu aad u badan oo culeyska caadiga ah ka hooseyso waxaa ku dhici kara cuduro ay ka mid yihiin: AIXERONA ASOVREN, waana cudur dadku ku beelaan rabitaankii cuntada oo ay waayaan baahidii caadiga ahayd taasina cuduro kale sii dhaliso, sidaas darteed ayay caatada darrani wax faa’iido ah lahayn quruxna lagu sheegi karin, haba la iska doondoonee.
webmaster@codkasoomaalida.com















