Published On: Fri, May 11th, 2012

Salman Khan oo ka faraxashay jilitaanka Filim kale oo ACTION ah

Share This
Tags
Number of View: 148


Sabti, May 12, 2012-Aktarka Salman Khan oo ka mid ah jilayaasha ugu caansan shirkadda filimada Bollywood ee India ayaa dhameystiray jilitaanka filimkiisii 5aad oo qaab jilliinkiisa uu aad u heer sarreeyo.

Filimkan oo magaciisa la yiraahdo Ekta Tha Tiger ayaa waxaa sameeyay Filim sameeyaha Kabir Khan, waxaana la jileysa Salman Khan gacalisadiisii Katrina Kaif oo mar ay filimkan si hordhac ah uga hadashay sheegtay in filimkan uu yahay mid xiiso gaar ah leh.

Filimkan oo siyaasad ah ayaa waxaa lagu metelayaa dhaqdhaqaaqyada hay’adaha sirdoonka ee dalalka Pakistan iyo India, gaar ahaan Hay’adda Sirdoon ee RAW ee India iyo Hay’adda Sirdoon ee ISI ee Pakistan.

Sidoo kale filimkan oo lagu jilay meelo badan oo caalamka ka mid ah ayaa wuxuu xambaarsan yahay farriinta la-dagaallanka argagixisada, waana filim aad u xiiso badan sida haatanba hordhaciisa laga garanayo.

Filimkan ayaa la sii deyn doonaa oo shaashadaha dalka India laga fiirsan doonaa Ciidda soo socota ee soon-fur.

Aktarka Salman Khan oo Sallu lagu naaneyso ayaa wuxuu horay u sameeyay filimo badan oo ACTION ah, kuwaasi oo dhammaantood ay meelo fiican ka galeen BOX Office-ka Bollywood, waxaana filimadaas ka mid ah VEER, WANTED, DABBANG, READY, BODYGUARD iyo EK THA TIGER oo uu hadda ka faraxashay.

Halka hoose ka daawo Goos Gooska Filimka Ciidda la daawan doono ee EK THA TIGER.


codkasoomaalida@gmail.com

About the Author

-