Ururka NUSOJ oo kulan wadatashi ah ugu qabatay Magaalada Muqdisho Bahda Saxaafadda Soomaaliyeed (SAWIRRO)

Talaado, Feberaayo 19, 2013— Kulan looga hadlayay horumarka iyo xeerka suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu qabtay magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya, kaasoo ay kasoo qayb-galeen ku dhawaad konton saxafi oo ka kala howl-gala warbaahinta dalka, gaar ahaan kuwa gobolka Banaadir sida Idaacadaha,TV-yada iyo Websiteyada.
Ugu horreyn kulanka waxaa hadal ka jeediyay xoghayaha guuud ee ururka saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ, Cumar Faaruuq Cismaan oo ka hadlay xeer dhawaan dowladda Soomaaliya ay u sameysay saxaafadda dalka, kaasoo uu tilmaamay inuu yahay xeerkii dowladdii uu madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed hoggaaminayay ay soo bandhigtay, isla markaana aanay ku qanci karin saxaafadda; isagoo codsaday in guddi khubaro saxaafadeed ah loo saaro si ay uga soo baaraan-degaan xeerkaasi, waxna ka bedelaan.
Cumar Faaruuq oo hadalkiisa sii wata ayaa dhanka kale ka hadlay qaabka iminka ay u shaqeyso saxaafadda ka howl-gasha gobolka Banaadir isagoo carabka ku dhuftay si loo helo qorshe lagu soo celinayo xiriirkii saxafiyiintii Muqdisho inuu u magacaabay guddoomiyaha gobolka Banaadir ee ururka NUSOJ, Maxamed Bashiir Xaashi isagoo kula taliyay inuu si hufan u guto howsha loo igmaday.

Guddoomiyaha NUSOJ ee goblka banaadir, Maxamed Bashiir oo isaguna ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay inuu kasoo dhalaali doono booska ay u dhiibteen saaxiibbadiis saxafiyiinta Soomaaliyeed; isagoo shaaca ka qaaday inuu u kuur-gali doono dhibaatooyinka kala duwan ee haysta saxafiyiinta Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ka howl-gala Gobolka Banaadir.
Kulanka ayaa waxaa ugu dambeyn looga dhawaaqay guddi ka kooban xubno khubaro saxaafadeed ah oo dib u eegis ku sameeya xeer dhawaan dowladda ay ku dhawaaqday oo shuruuc u noqonayoa saaxaafadda dalka kuwasoo ka soo talo-bixinaya qodobbada xeerka cusub ee saxaafadda Soomaaliyeed.



codkasoomaalida@gmail.com















