WALIGAA HA IS ORAN WAXBA MA QABAN KARTID

Jimco, February 22, 2013-Jilaaga reer Britian, Rowan Atkinson oo loo yaqaan ( Mr, Bean) marbuu badbaadiyey diyaarad uu rakaab ka buuxo, xilli duuliyihii diyaaradu uu miyir beelay!!
Mr BEAN, wuxuu ka soo raacay diyaarad qaas ah isagoo qoyskiisu la socdo, Mombasa waxeyna ku socdeen Nairobi, KENYA, markii duuliyihii diyaaraddu uu miyir beelay, xiligaas oo diyaaradu dhulka u jirtay 4,877 mitir, majaajiiliistuhu, wuxuu durba sutiga u qabtay diyaaradii wuxuuna ka ilaaliyey in ey dhulka ku dhacdo, oo wuxuu ku toosiyey uun marinkii, manuu lahayn wax qibrad diyaarad-wadid ah.
Xaaska Mr BEAN SUNETRA, ayaa markaas isugu dartay qeylo, ruxid iyo iyadoo biyo ku dul firdhisay duuliyiihiin suuxsanaa inta ninkeedu diyaarada la tacaalayeey, falkii xaaska ayaa dulliyihii sababay in uu dib u miyir helo, halkii buuna degdeg diyaaradii mar kale kala wareegay Mr, BEAN oo naxsan, sidaas ayeeyna ku nabad tageen garoonkii ay ku socdeen.
Mr BEAN oo intuusan jilaagga noqon wuxuu ahaan jiray farsama-yaqaan koronto, wuxuu noqoday jilaa/ka qosliye caan ah/wuxuu mar kale noqday badbaadiye ( Ilaaheey xugunkii)
Ha is oran waxba ma garaneysid markeey badbaadin nafeed timaado, ee isku day iskana soo saar awoodaada qofeed ee ilaaheey kugu maneystay, eebbe-na kaasho oo bari.
By: Amina Muuse Wehliye















