Published On: Sun, Dec 30th, 2012

Waxtarka Caanaha Geela

Share This
Tags
Number of View: 263


Axad, December 30, 2012-Caanaha geela waxay leeyihiin waxtar weyn aan la soo koobi karin, lakin waxaan tilmaamaynaa qayb ka mid ah faa’idooyinkaas.

1- caanaha geela waxay ka hortagayaan jeermiska iyo sunta jirka soo weerarta.

2-caanaha geela waxay la dagaalamaan bakteeriyada, wayna tirtirtaan.

3- caanaha geela waxay wataan in badan fitemiinka (C) .

4- caanaha geela waxay leeyihiin subag yar marka loo eego caanaha kale.

5- caanaha geela waxay kaloo difaacaan cuntada dhibi karta mindhicirada bakteeriyadana way ka dilaan

6- waxaa kaloo ay ka ilaaliyaan qofka cabbaya caanaha geela, burburka iyo is-cunka lafaha oo ku dhaco inta badan dadka da’da weyn, ilmahana waxay ka ilaaliyaan cudurka la dhaho dabaysha, maxaa yeelay waxay leeyihiin (Calcium) iyo (Phosphorus).

7- sidoo kale waxay ka hortagaan hargabka qandhada beer-xanuunka dhiig-yarida qaaxada iyo dhamaan cudurada gudaha sida gaastariga iyo sokorta iyo dhiig-karka.

8- waxaa kaloo ay u roon yihiin kansarka iyo cudurada wadnaha

intaan kale ma aha waxay leeyihiin wax ka badan laakin intan waa inta ugu muhimsan.

codkasoomaalida@gmail.com

 

About the Author

-